Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

ku soo dhawaada baga ku nasashada akhyaarta la caashaqo iyo mu caashaqiinta

boga tahriibta boga asxaabta boga heesaha qoralka boga geeraarada boga fariimaha boga heesahaa dhagaysiga boga albumkayga

waa heesti nuuradiin macali

waxa jira wax kuu daran hadana kula wanaagsane afka hadalka weynbaan inanyahay wadaayoo kaa weecan waayee jacayl baa i weeraray wakhti samadu furan tahay anigoo war maqaba ah hay qabanin waayaha ha noqon looma weheshaan looma soo ordaan waligeed looma aayaan naftaa wehel ku moodee ala weger waxaanad filan adduun waayo badanaa waagii baryaayiyo qoraxdii wareegtaba waa waxyeelo joogtee jacayl baa i weeraray wakhti samadu furan tahay anigoo war maqaba ah hay qabanin waayaha ha noqon looma weheshaan looma soo ordaan waligeed looma aayaan naftaa wehel ku moodee

waa gabayadii reer buuhoodle


Maansadaan dha’leydaa haddaan qalin ku dheereeyo
balli baan dhextaag nahay murti uma dhibtoonaayo
dhabi hiisaan ku hagayaa dhinac anoon seegin
ka dhirqo maantiyo bariba waa la dhurayaaye
balaan dheeman teeydii u diro gabaygu waa dhaare

ma ogtahay dhanbaal jaceyl dhaxal gal weeyaane
dhabtiyo wuu kaaga turjumi dhiiga socod kiisa
adna jeeraad soo dhawaato farxadi weyga dheertahaye
hawada dhexdeeniyo iga gudoon salaan araxda soo dhaaftey

caashaquna kalsooni kuma dhammiyo dhiiri gelin toona
ha yeeshee marbuu dheeliya aqalkaan dhigaha loo aasin
adna Dhooleey fogaatayoo xaalku wuu dhanaan yahaye
axdigii ma dhowrtoo matahay taan u dhimanaayey?

dhuuxoo dhaqsi uga jawaab waan dhibtoo nahaye
aley lehe dhirbaaxada jaceyl waan la dheygagaye
dhararti aad dhofta dhinbilo leyla dhacay fiidki
saqdii dhexe sidii dhalan wanigii dhelalow kacaye
kama bogto dhuunigoo biyihi waanka dhowr sadaye
dhabihii aad qaadan inanyahey sii dhugtaa waliye

dheeraa bishan waxaan u dhigo sooba dhufan waaye
cashara daadan iga dhaqmeyn dhimasho mooyane
xusuus tadana kama dhowr sado waandhex tagnahaye
hayga dheeran markale yaan wadnuhu isoo dhicine
cidlo haygu dhafine qalbiga ii dhawee manta.

Nin dayoobey deyr deyr haduu dawyada u jiidho
Mar uun buu daryaankii ka bi,i doorshay madixiiye
Bal dayaay dalkuu dhaafay buu dib ugu laabtaaye,


Musuq maasuq Soomaali waa meheradeediiye
Hadba midab horlay kuula iman maalin daa,imaha,e


Maandhoow ixsaan lagama tago eed hadaad faliye,e

Dawo lagama gaal hadaad daawo dhigataane
Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye,e
Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraa,e
Marka xiga dalkuu idinku odhan duunyo dhaafsada,e
Dabeedna daabaqada wuu idin dareesiine,e
.

Kuma soo koobi karo maan ku hadhka gabayga Seyidka bal intaa ku dhaafo.

Bal aan ku xejiyo darwiish Ismaaciil Cali Mire

In kastuu kalaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo
Bad kaluun ku jira kolay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kimista loo qoray maruun waa la kulan siin,e
Nina in aanu soo kororsanyn kaa hala ogaado.


Cali Aadan (Cali dhuux)

Nin dhirbaaxo quudheed dugsadey dhaqayadeed maalye
Dhashaaday sugtaa xajadaad dhorataa abide,e


Samatar Baxnaan

Nin deligani reerkooda waa doc uma dhaafaane
Dadka kugu diryaa iyo afxumo kugula daalyaaba
Sidii dumar la wada guursaduu kuula diriraaye,e

Axmed Dirir nuur aadan qoolaab

Amarkii ilaah iyo wakhtigu waa wax kaa adage
Nin anbaday halkuu aaday way ula ekoonayde
Anigoo arkaayaan wadada eerigoo xulaye,e


Ducaale aadan qoolaab (ducaale dheere)

Salaanow gob samir weydey waa saanacad iyo hooge,e
Sideedii cashaba waa intuu sahanku laalaaye
Geel kala samacane waanigii soobir gawracaye,e
Iidoor sal fududaa wuxuu sugayo muu dhowro


Nuur Aadan qoolaab

Geestii wacays aadan baa layga soo galaye,e
Wax badan baan ka gaban gaabsadaye waa i geliyeene
Gacmahayga eedaye ragii gigane maan daayo


Aadan Yuusuf Axmed (aadan carab)

Darood iyo xigaal baynu nahay naguma daayeene,e
Dabkii lagu xanuusado faruhu kuma diraadaane,e


Cumar Cigaal

Bali calane geed la hadhsadaa waa bidhaan arage,e
Bilcilkaad ogayd lebi calaan waa ban diiradahe,e
In aduunyo boob lagu helo yey badawdu moodaay
Sida eebahay wax u baxshaa way banaantahaye


Diiriye Aadan qoolaab(diirye kadeed)

Sidii aan idiin geli lahaa baydin garateene
Geerida ninkii ii hayaa haygu rido goofe,e
Goonyaha dab weyn igaga shida maalintaan go,e
Gacmihiina maantaan ku jiro hay gargaarina,e


Galoos Hiirad

Sodon boqol miyaa geelayaga seylad laga ooday
Ma saakaa ragii maali jirey suuqa lagu sheegay
Hadaanan saawa saawaha ku lumin surinka lay ooday
Aniyo seediyaashay maxaa saancad kala haysta.


Bidhiidh

Hashaydu hashii hagar bagay uga hareer footay
Babuurka how lihi baguu noo har qabateeyey
Ninmankii hagoognaa bagaa hilble loo mooday
Haakaala eeboow baguu noo hantiyey gaalku







Cusmaan Duraan
Osmanduraan@aol.com

                                       i love you gacaliso
Siddii sagal dilaacay
Ama hilaac baxay oo kale
Quruxdu soo ma moodaan
Qaabkaaga wacan baad
Qaarkaa ku dhaaftayee
Inaad tahay anigaa qiraayee      
Qiimo malahan caashaqa
Qar qarada hadaadan ka hayn
 Qarni walibana wax baa soo ifbaxeeQalanjooy adigaa qaatay laabtee
Qof walibana dabcigiisa meel noqay 
danta in leesku garaa
Qalad iyo gaf ineey tahay
Qalnajooyogsoonoowxasan
Qureyshtii haweenka

 Waligeed aduunyada
Waqtigaa qof saacida  
Midna waayaha xira
 Labadaas waxaan aheyn
 Horaa loogu waayoo 
Waa nin iyo waagii 
Aniguba wasiisiga
Waxaan weyda lahayaa
Iigu wacan waxyeelada 
Wiish  bay ila sarakacay 
Caashaqu wadaad maleh
Walaalowna kuma haro
Waan waanna kala dheer 
Waxba haay idabiibina
Wadka aan is aragnee 
Waddadiina ka ambaday
 Biyo looga waayaa
waanadu idhaaftee
waan kuu xiisay
abaayo idil

sahan laba sooryo wada cunay

 sahan dheerna wada galay

 saameeyay caashaqu

 mid haduu socdaal galo

 sanado dhoor ah maqan yahay

 salaantii iyo jawaabtii

 ka kalaa sugaayee

 illeyn waa sedkiisiiyee

 kii aan sugaayow

 seygey ahaayoow

 isugoo yaanan soo noqon

 sida nabad amaanee

 salfudeydi maayee

 sahlanaa amuuraha

 bal aan saadsho maantana

 sidey noqo allaa ogee

 suul dhabne weeyee

 marna laguma sabo oo

 sida sabi caruureed

 kuma seexanaayoo

 suney aniga ii tahay

 subixii inaan tago

 seedaha kasoo jarro

 ubaxaan ku saree

 kii aan sugaayoo

 seygey ahaayoow

 isugoo yaanan soo noqon

  sida nabad amaanee

salfudeydi maayee

 sahlanaa amuuraha

 bal  aan saadsho maantana

 sidey noqon allaa ogeee

 

 sahan dheerna wada galay

 saameeyay caashaqu

 mid haduu socdaal galo

 sanado dhoor ah maqan yahay

 salaantii iyo jawaabtii

 ka kalaa sugaayee

 illeyn waa sedkiisiiyee

 kii aan sugaayow

 seygey ahaayoow

 isugoo yaanan soo noqon

 sida nabad amaanee

 salfudeydi maayee

 sahlanaa amuuraha

 bal aan saadsho maantana

 sidey noqo allaa ogee

 suul dhabne weeyee

 marna laguma sabo oo

 sida sabi caruureed

 kuma seexanaayoo

 suney aniga ii tahay

 subixii inaan tago

 seedaha kasoo jarro

 ubaxaan ku saree

 kii aan sugaayoo

 seygey ahaayoow

 isugoo yaanan soo noqon

  sida nabad amaanee

salfudeydi maayee

 sahlanaa amuuraha

 bal  aan saadsho maantana

 sidey noqon allaa ogeee

 

laba sooryo wada cunay

 sahan dheerna wada galay

 saameeyay caashaqu

 mid haduu socdaal galo

 sanado dhoor ah maqan yahay

 salaantii iyo jawaabtii

 ka kalaa sugaayee

 illeyn waa sedkiisiiyee

 kii aan sugaayow

 seygey ahaayoow

 isugoo yaanan soo noqon

 sida nabad amaanee

 salfudeydi maayee

 sahlanaa amuuraha

 bal aan saadsho maantana

 sidey noqo allaa ogee

 suul dhabne weeyee

 marna laguma sabo oo

 sida sabi caruureed

 kuma seexanaayoo

 suney aniga ii tahay

 subixii inaan tago

 seedaha kasoo jarro

 ubaxaan ku saree

 kii aan sugaayoo

 seygey ahaayoow

 isugoo yaanan soo noqon

  sida nabad amaanee

salfudeydi maayee

 sahlanaa amuuraha

 bal  aan saadsho maantana

 sidey noqon allaa ogeee

laba sooryo wada cunay

 sahan dheerna wada galay

 saameeyay caashaqu

 mid haduu socdaal galo

 sanado dhoor ah maqan yahay

 salaantii iyo jawaabtii

 ka kalaa sugaayee

 illeyn waa sedkiisiiyee

 kii aan sugaayow

 seygey ahaayoow

 isugoo yaanan soo noqon

 sida nabad amaanee

 salfudeydi maayee

        

Geeraaro jaceyl

Sahal maahan caashaqa hadaan lagula

sideynin sibir waaka qaraar yahay

samada iyo dhulka dhaxdooda saan

qaadku badanaa samirkuna wacanaa

silsilad waaye dunidaane hadba si kugu

soo mareyso, sifaalaha nikaaxa sifahiisa

furiin maxaa ka dhigay?.

Suuban waxaan kaliya Dadka kaala soobaxay Suugaan

kuugu tiriyaa  Samo kuugu dhawraa Samaan kuugu heesaa 

Suleekha kuugu yeedhaa Wanaagaaga u,sida  Sidii sabi

dhalaameed Saxar kaaga ilaashaa Waa jacal i,saarnaa

Sadax iyo toban sano  Sidii tiriig siraadnaa Ayaa igu

siyaadoo  Saameeyay molashoo Aan laseexan waayoo 

Saqda dhaxe i,mira,oo Sahwi igu salaamoo  Sanka iga

duleelshoo Suudiyo cadceedkulul  Saynabeey i,dhigayoo

 Maanta aan lasoognahay  Hadba dhinac ii,sida,oo

Marba,aan lasarakici  Naftu way siloontoo Samir qaadan

waysoo.

 Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo,

xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma

gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo

malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku

haaya.

Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa

dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul

aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado,

daahirii rasuulkeena iyo daa'inkii na abuurtaan dartood aan kugu

deeyay.

 

xiiso caashaqeynii xaashaa lillahiye xushmad buu

muteestay xulashadi haweenkay xil tii iga mudneydey

xaalkaadu siduu yahay xiskaad iiga tiiloo waan kuu

xakaaraye xaajiyo sidee tahay xalay aawadaabaa xarig

laygu taagoo xamaaskeygu baxayee xamar baan u

xiisaye xaalkiis war iga sii.

Nolosha jaceylka     

Iga hano salaan kalgaceyl iyo xubbi ku dheehan. waa naf

dooratay aragtidaada, damiirkeeda shaqsiyadeedna uu

cabbiray in aad adiga u noqon

karto hormuud. Taasoo ay

sababtay gacalo nafteeyda oo

kuu qabto haraad xooggan.

Waxay hanashadaadu ii tahay

horumarka nolosha,

horjoogaaguna waa ii naruuro, la noolanshahaaga waa ii

nasteexo, la aantaa noloshu wax micno ah ii ma

sameeyneyso.Waxaan ahay asaagaa kaa eeganaya

aadmiga oo idil. Waxyeelku waa xumo gurigeed.

Doonisteydu waa mid saldhigeedu yahay mustaqbalka

aayaha danbe. Indho urooneey, hididdiiladeydu waxay ku

haboonaan lahayd anigoo hooy kula gala oo aad noqoto

hooyo ubad leh. Sibiq tii sal iyo baar ku saaqday

nafteeydaay. Sekenkaan soo xusuustaa suuradaada

wacaniyo, suubanaanta asluubtiyo samirkiyo dulqaadkaa,

salalaa saqdii dhexe. samri waayay saluuglaay, saadaashii

nafteeydaay, soow suntiisii jaceylku ima goynin seedaha,

saacaddii i dhaaftana salaloo ma seexdo`e. Saafidaan

jeclayeey silic dilyootay nafteeyduye. Samri waayay l

a`aantaa, samri waayay la`aantaa, samri waayay l

a`aantaa.

khadraay dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay

diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay

waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan

diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan

Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo

ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo

ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo

haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey

daa'inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa

deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh

Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo

aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada

Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen

hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay

jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo

Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon

duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee

Ila duubo gacalooy!!

Geeraar

  Dunidaan dibjirkeeda dayaxa laalaayo, dunidaan da'yarteeda dagaalka loo carbinaayo, dunidaan duqowdeeda nabada aan doonayn, dunidaan labadii is doorato dakano layskugu diidaayo dabkeeda ma yara, ana inaan daacad kuu ahay marna aanan ku dageynin damiirkaada u sheeg, wadnaheyga dushiisa iyo beerkeyga dacaladiisaan darin kuugu dul fidinayaa dareen la' aan ku dul seexo, hadaadan intaas ku daganeynin laabtaada sii danqaneyso dartaa waalidkeyga ha ii dilo ama duhurkaan ha ii deyrsho deg deg daartaada igu geyso.  

Geeraar. 

Ma jiraa jaceyloo?

Ma jiraa jaceyloo, qofaad waanisoo wehel aad kadhigatooa warkiisa aad raacdoo waji aan wacneyn wax tar kaaga dhiga?.

   Ma jiraa jaceyloo qoraaf saad satoo saadir aad katuugtoo suubanaantii caashaqa samaantii jaceylka midna aan kusiin?

   Ma jiraa jiraa jaceyloo qofaad jamatoo jirkaaga moodoo aan jiirnaxaynoo jiriricyo jaceyl midna aan u jeedin?

   Ma jiraa jaceyloo qofaan kuu naxaynoo naftaada moodoo nuurkii caashaqa iyo naxariistii jaceylka midna aan ku siin

  Ma jiraa jaceyloo qofaad qiima wacan & qaayo wacan u yeeshoo hadana aan kuu qireyn?
                      

        Geeraar.

Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya.

Geeraar

Taariikhdaada nolosheyda

 kama tirmeyso ee talaahi

aan ku dhaartay talaabkastoo

aan qaado adigaan ku

towaa taajkii arooskaaga

tabaabusheysigiisa aan ku

jiraa ee taajirnimo iima

laabnee toosaneey

taladeena waa toostee

tacab shiid waa ka baxnee.

sanad guuradii koobaad ee maamul gobaleedka ssc ee minisota

Search Engines

Nolosha Waa Kalsooni Wax yar Akhri wax badan faa'idayso

 


Waxaa mahad iska leh Alle noo suuro galiyey inaan soo gudbino barnaamijkaan muhiimka u ah Bulshada oo aan ku soo qaadaneyno mowduuca ku saabsan inaad noqotid shakhsi ku kalsoon naftiisa isla markaana Alle talada saarta.

 

Hadaba codsiyo fara badan oo naga soo gaaray Akhristaasha ku dhaqan qaarada kala duwan ee caalamka, gaar ahaan kuwooda ku sugan dalka Uk ayaa waxa idiin soo gudbin dooono barmaamis ku aadan kalsoonida.


Hadabo kalsoonida waa furaha nolosha, nolal hadii la helaa ayaa deganaan timaada hadaba, gunti iyo gaba gabadi barnaamiskaan gaarka ah waxaa idiin kuugu soo gudbin doona micnaha kaslooni iyo cida la siin karo.


Haku fakrin waligaa in aad qiyaamayso noole kale ka soo qaad naftaada oo ugu horeyso ma jeceshahay in la qiyaameeyo, jawaabteeda oo dhamees tiran waa maya, hadabada Soomaalida ku dhaqan qurbaha inta badan waa kuwa aamin beelay balse waxa aay ku qanci doonaan erayadaan aadka u celmiyaaysan.


Wax yar Akhri wax badan fa,idayso adigo mahadsan


Hadaba Walaalkeyga ama walaasheyda akhristaha ah waxaan kugula dardaarmayaa arimahan:


-Waligaa ha ka laba- labeyn inaan noqoto ruux isaga ka fekera go,aan ku leh noloshiisa.


-Ahow ruux leh kalsooni naf ahaaneed, haddii aad leedahay lamaane ku kalsoonow rag iyo dumarba kuu doono ha ahaado.
-Iska ilaali in si fudud ruux kuu dhaafsiyo wax go’an kuu ahaa oo wanaagsan sida cibaado ama danahaaga qaaliga ah.
-Ha noqon ruux is bedel badan oo aan meel loo raaco lahayn.


-Iska jir walbahaar badan waayo saaxiibada qaar ayaa uun kugu abuura walwal iyo walbahaar.


-Mararka qaar kalsoonidu waxay u baahan tahay dulqaad.


-Waa inaad kala saartaa kalsooni iyo aaminaad oo runtii labo kala ah, waayo inaad kalsooni leedahay ma aha inaad wax kasta aamintid.


- Naftaada bar inaad talada adiga leedahay oo aadan cid bani’aadam ah u baahneyn, kaliya Alle wax weydiiso


-Aaminsanow inaad adiga wax sameysan kartid, haddii ay tahay shaqo, lacag ama waxbarasho.


-Ha ku qancin wax yar oo dhalanteed ah ama aan jirin.


-Iska ilaali shakiga qaar waa kalsooni daro sababi karta xannuun.


Waxaan rajeynayaa inaan dhamaanteen ka wada fa,ideysan doono waqtiga iyo fursada aanu heysano ee nolosha, anagoo og hadimooyinka iyo godadka tirada badan ee nagu hareereysan.


Wixi Fikrad Dhaliil saxid iyo kordhin ah, ee ku saabsan qormadan aan dulacda ugu dhiganay kalsoonida kus oo hagaaji .


                   jid banneeye
tixdan gabayga ahi waa laba qaybood
qaybta hore waa araar iyo dhoolla tus
aan u muujinayo niman aflagaado badan
soo tuurtuuraya inaanay isa soo biimayn
qaybta labaad waa tusaale waddani ah
oo soomaalida dhibkay isu gaysatay wax ka
sheegaysa  akhris wacan

 

1 jeerbaa  ilaah  ii  sakhiray  jiinka  maansada,e
2 jinka iyo insigu way yaqaan  juuq haddaan dhaho.e
3 joornaaladaan qoray ka badan  jayga bari yaale

4 jalbeebbaan rag kula qaybsadaa jaciyo maahmaahe
5 jileec  hadalku  iigama  dhaciyo jaw maroorsiga,e
6 jumladiyo ferdiba waa   aqaan  jaaniskii furane

7 caawana jaray taaganiyo jiitanle irmaane
8 jebin maayo anigaa ogoo jaabajaabuhuye
9 jallaafooyin layguma ridiyo  jeex la ii galaye

10 meeshuu jaheeyuu qabsado jeenyahaw dhigaye
11 ninkaygii jidkii gabay lahaa jaanta la haleelay
12 ee jaartarkii aaden carab jeexay socodsiiyey

13 ee samatar jagaduu lahaa jaahil ka ilaashay 
14 ee joohartii cumar cigaal jeebadu u buuxdo
15 ay jahwareereen  kuway  jiidhay  arartaydu

16 nimankii jareexada yaqiin joorfalkiyo eedda
17 jawjawle  iidoor  ninkii  jaada ka  idleeyey
18 hadba kii jibbaysane murqaan jar iska xooraaya

19 jaanjaammadii shalay  ninkii  jeedal  kala daalay
20 ninkaygii jug  wayniyo  isaaq jaa,ifo u  gaystay
21 aan  jixin  jix  laga  eegahayn  jiidh u   naxariista

22 cali food ninkii jiidayee jidu  bannaynaayey
23 jarmalkiyo ninkii dhaarsanoo jooga lebi wayne
24 marqaan jiidha waaberi ninkii jelis garaacaayey

25 qoorgaab judhii hure ninkuu dibuga jiireeyey
26 takar uma jawaabiyo intii jagac u waynaaye
27 curri oo jarmaada,ah ninkii jilib ku qayraanshay

28 jaafjaaf  ninkii  weeraree jeelka  ku  cayuuqay
29 jeegada xuseendhuux ninkii jayga qabadsiiyey
30 ee  jiilba  jiilbuu  xigee  jamaci  maaweela

31 janna gale makaytaa ahaa jaallahay runahae
32 dhoodaan ninkuu soo jirrabay jaa,isana qaatay
33 ninkaygii sidii jeeni calaf jeexa ka hinraagay

34 jidda iyo sucuudiga markaan jalabutaynaayey
35 jahligiyo mardhoofkiyo ninkii jaanjiga eryooday
36 jirri laguma eedoobo iyo jeeble qaad cunaye
37 jabbaabbiirta hawdiyo ninkii jaamac la hal maalay
38 ee  dhooddiyaan  jiidh  furayn jarihi loo dhiibay
39 ee haatan jeermaanahiyo jananki suugaanta
40 amba jimicsi waa doonayeye way jactediyeene
41 jacbur aniga laysoo marshiyo jalactan yeelkiiye
42 ma jid gooyo wiil ii dhigtaa joojin gabaygayga?
43 afartaasu waa  jiidda  hore  jaamac  kadiyoowe
44 waa jilib dhigaygiyo hubkaan jeeggarayn jiraye
45 balaan weliba jiirada madfaca joogga koru qaado
46 juun iyo julay maalintaan jamac walaalawnay
47 jeegaanta roobbaan lahaa waa jir kuu da,ayeye
48 jacaylkiisa calankaan qabee jidhidhicoonaayey
49 kuwa maanta  jeexjeexayee  nagu  jadeecoobay
50 waa  jeermis gaaladu sidday   jili ka keeneene
51 jirro  iyo  xanuunbaa  qalbiga juuc u weheshaaye
52 jabhadiyo qabiil lagu hodoo jeesba  dhanu gooyay
53 jujuub iyo dhacii bay wadaan  joogto weligoode
54 jaarkiyo  maggaynada  go,aad sii  jiscimataane
55 oday jilifle joobane daydaya jaahil muruqaystay
56 jacjacoor  wadaadiyo abwaan jilaya  suugaanta
57 iyo  gabadh  jidhkii  iibisoo  joon la  tumanaysa
58 iyo  jaama  geellaha  yaqaan  jago ha  laydhiibo
59 hadba jebiye haw soo gashado jaakadiyo suudhe
60 jahaad iyo xaq waa loo dhintaa tanise waa jawre
61 jahannaba la gee  baw  tihiin  idinku  jaajuuse
62 janno laguma galo reerahaad jiir ku noqoteene
63 jubba godane uma haajireen jilib mahiigoowe
64 jarmalkuu ogaa iyo hablii jeegga loo qoraye
65 in hargaysi jeeraarisoo joofwanle afduubay
66 jufanaha madaw buu arkaye jookha guursadye
67 markaasuu jamaame u kiciyo jiinka webigiiye
68 jaamiciga diintiyo cilmiga jaad walba u gaadhay
69 jalaalaynka ninmankii bartiyo joolajiga ciidda
70 soomaali jeel bay gesheen oo jiq ku hayaane
71 raggii talada jaan goynlahaa yaa janjeedhsadaye
72 allahayoow   aduumbaa  jiree  jaahayaga  toosi 
     [  abwaan suusle]
 
khaayimiinti naa waalayiyo
 
With over half a million sites, divided into more than 25,000 categories, Yahoo! is both browseable and searchable.
GO Network is a new brand that brings together the very best of the Internet in one, easy-to-use place.
Have Fun!