Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

boga tahriibta boga asxaabta boga heesaha qoralka boga geeraarada boga fariimaha boga heesahaa dhagaysiga boga albumkayga

boga heesaha jacaylka

waa heesti qalbi nabar kuyaala qaboobine

sidan qaaba qawteen aad u qatari ku joogsaday baryo waxaan qurbaha tago kugu sugo qabuuraha ehelkiiyo qaraabadu quraan igula daalaan heesaha qaboobiyo anna shubo qaraamiga marna waxaan hablaha qiro qosol beena laba dhuro qalbi nabar ku yalaan qaboobine, qufac iyo kalgacal baan qarsoomine qosol beena soo qurud igu qarax jacaylkee waxaad qabatay mooyaane qaadir kii jiray ilaahay waxba kama qarsoonee nafsi qiil la raadshiyo haduu qaayo leeyahay qormo lagu nagaatiyo qalwaan kuu baneeyo naga qabatay nabadeed intey waano qaadee marna waxaan hablaha qiro qosol beena laba dhuro qalbi nabar ku yalaan qaboobine, qufac iyo kalgacal baan qarsoomine qosol beena soo qurud igu qarax jacaylkee waxaad qabatay mooyaane

waa heesti mala aniga kujecel adaase ii doonayee ee fanaanka super

malaha weynaan is arag
in badan weynaan is maqal
malaha weynaan is arag
dantaa ina kala xidheysoo
inagoo kala maqan
xiisaha isu soo dhawaaney
malaa anigaa ku jecel
adaase i doonayee
ileyskii qaajidha ahaa
guntiisa hoo
malaa adigaa i rabaa
malaa anigaa ku jecel
malaa adigaa i rabaa

malaha arintaa fududud
jaceylkaan afti laheyn
malaha jaceylkaan afti laheyn
iyadoo aan sal dhigin
ayaan isla meel dhignoo
indhuhu ay halacsadeen
malaa anigaa ku jecel
adaase i doonayee
ileyskii qaajidha ahaa
guntiisa hoo
malaa adigaa i rabaa
malaa anigaa ku jecel
malaa adigaa i rabaa

Waxaa inoogu barateen inta badan in aan idiin soo gudbino astaamaha lagu garto jaceylka iyo macluumaad kale oo fara badan maantana, waxaa idiin soo gudbin doona dar daaran ku socda laamanaha is qaba iyo kuwa xariirka leh intaba.

Hadabada Barnaamiskaan waxaa ugu tala galnay in aay kaga fa,ideestaan Bulshada hadii aay akhritsaan qoraalkaani macluumaadka ku jiro, ka dibna jawaabo kala duwan ka bixin doonan,oo ku saabsan dhuuxa ku jira macnaha barnaamiskaani .

Nolosha wanaagsan ee qoysku iyo jiritaankiisu waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag iyo dhaqan wacan oo xilikasnimo ay ku jirto. Taasi oo laga doonayo in ay kula dhaqmaan labadda qof ee lamaanaha ah, si isku mid ah.


Haddii aad rabto in aad nasiib u yeelato in uu jacaylkiinu noqdo mid waara, ha dhaliilin lammanahaaga, ha u soo jeedin wax dhaliil ah, hana canaanan. Haddii uu khalad idin ka dhex dhaco adiga iyo lammanahaaga si degenaani ay ku jirto isku daya in aad ku xalisaan khilaaf waliba oo yimaada.

Ha isku dayin inaad ku tiraahdo dhaqsi aniga waa ka saaray niya,dayda iyo wax la mid ah markii aay idin dhex marto, in yar oo is maan dhaaf ah oo dhaca marar badan inta aad xariirka leedahiin oo aay dhaci karto marar badan balse laga haboon yahay eraygaadaas oo kale adeegsigooda.

Hadaba gunti iyo gaba gabadi waxaa,uu barnaamiskaani hor dhac u yahay talooyin aan ugu tala galnay in aan u soo jeedino, lamanaha is qaba iyo kuwooda xariir wadaaga ah, ee anan, kalsoonida buuxda, iska haysan ,filo barnaamisyo quseeya habadaba arimahaasi.

Customizing and Personalizing My Site

Dumarkaba Aduunbaa
Iigu Dhaga nuglaayoo
Aan soo Dhaweeyee

Dhaawicii horeen qabey
Waxad tahey dhakhtaradii
Mudo iga dhayeeysoo
Waad i dhiiri galisee

Hadii aad dhaqaaqdood
Inaad Dhoofto jeceshahey
Gaadhigaa dhakhsanayee
Kusidaa ma Dheeliyo
Uma seexdo Dhinacyada

Ilaahey Dhantaalkiyo
Kuma tuso Dhibaatoo
Ayaan Dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo

Adaa dheeman iyo luul
Iyo dhagaxa dahabka ah
Qiimiga wax dheeroo

Adigaa dhir ubax
Iyo dhool aroor da'ay
Dhul xareedi wadhantahey
Uga dhigan nafteeydee

Haduu taarku soo dhacey
Dhawaan soo bax kugu yidhi
Dharaar qudha aduunyada
Hanti aad ku dhaqatiyo
Ha ka waayin Dharagoo

Ilaahey dhantaalkiyo
Kuma tuso dhibaatoo
Ayaan dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo.

waxa jira wax kuu daran

Caashaqa ha guul guulin Ha udiidin gogoshiisa Gacalooy wanaageena Ha ku dumin garaadkaaga Garashada ha waydeeynin Ha u guuxin nacabkaaga Gurbood ka iyo dhalaankeena Ha baneeynin garabkooda Gudintaad afeeyneeyso Ha ku gooynin midigtaada Gibilsha iyo awrkeeda Laba gees ha kala geeynin Hadalka iyo go?aankii Talada iyo gudoonkii Reer dhibtii iyo wixii gaadha Rabbi ha ina garansiiyo Gocashada ha baadh baadhin Ha ufiirsan godobteeda Guurka iyo sharaftiisa Ha gar-geeyn jaceeylkeena Imtixaanka gurigeena Guddi odayo loo saarey Hadii la isku wada geeyo Boqol iyo lagbay gaadhey Rag ninkaaney gabadhiisu Gol daloolo ka ilaalin Qayrkiisa garab jooga Waligii ma gaadhaayo Hadalka iyo go?aankii Talada iyo gudoonkii Reer dhibtii wixii gaadha Rabbi ha ina garansiiyo Dhirta lama garaacaanka Gunta xididka ha u saarin Geed midhaha laga goosto Geestiisa lama gooyo Guryo samo adoo yaala Abaar reer lama geeyo Adoon sahan ku guureeynin Geediga ha heenseeynin Gafka ruux intuu geeysto Garawshiiyo laga waayay Halka kibirku gaadhsiiyo Gumartida ha loo joogo Hadalkii iyo go?aankii Taladii iyo gudoonkii Reer dhibtii iyo wixii gaadha Rabbi ha ina garansiiyo.

Erayo Jaceyl Ah Oo Xikmadeysan Oo Aad Uxiiso Badan (Qalinkii Abwaan Ibrahim Ali Abdi Kalafoge)

Waxaan Halkan Kusoo Qaadan Doonaa 10 qodob Oo jaceyl Ah Oo Katurjumayo Kala Fogaanshaha Lamaanaha, Qodobadaan oo ah qodobo xikmadeysan ayeey Shabakada Allbanaadir.com idiin leedahay inagula nasta qofkasto oo jaceyl haayo.

1. Qalbigeyga waan kusiiyay, Adne qalbigaga ma isiineysaa. si aan quful adag usaarno furahana badweynta ugu tuurno si weligeyn qalbiyadeena isugu xernaadeen.

2. Kala Fogaanshahan Kala Fognahay Makala Qeybin Karto Wadnayashena Kumidoobay Jaceyl Dhaba ah, Hadee Noo Dhaxeeyaan Malyuumaad Kiiloo Mitir Xasuusteena Ayaa Sikin Kuso Gooyneeyso Xili Walbana Xusuusteena Wada Joogto Jirkeyna Uun Baa Kala Fog Qalbi.

3. Qalbi Duufaanada Ayaan Kugu Soo Dhiibaa Shumis Iyo Fariimo Culus O Katurjumayo Xinjiraha Wadnaheyga Uu Ku shaqeeyo Waqtiga Xigana Biriqda Roobka Ayaan Kugu Soo Dhiibi Doonaa Nafteyda Oo Idil,

4. Waan Ogahay Ma Imaan Karo Halkaad Joogto Dhib Maleh Waan Kusugayaa Caawa Waana Kuduceysanaya Markan Indhaha Xero Inaan Riyada Ku kulano Oo Aan Nafta Ku wadaagno.

5. Kumanaan miles Ayaa noo Dhaxeyo Hadane Kalama Maqnin xubi Waayo Qalbiyadeena Ayaa Mideeysan.

6. Meel Walbo Aad Aado, Wax Walbo Aad Sameyso, Waqti Walbo Oo Nakala Geeyo, Hadana Baahidaan Kuuqabo Igama Nusqaanto Oo Weli Waan Kusugayaa.

7. Markan kutabo Sawiradada Ayaan Daawadaa Xusuus Ban Galaa Lakin Markan Xususto Anagoo Wada JognoWaan Iloobaa Inaan Kala Fognahay Oo Gacmahan Xabadka Kudhajiyaa Anoo Ilmeynaa.


8. Markaad Aniga Ixasuusato Eeg Dayaxa Caleemaha Iyo Quruxda Gudihiisana Eeg Waayo Dayaxa Hadad Eegto Ana Aan Eego Isla Waqtigaas Labadeenaba Waan Wada Aragnaa Halkaas Dayax Marka Qalbi Miyaanan Isla Joogin Ma Anagaa Kala Fog.


9. Markaad Dareento Kelinimo Fiiri Farahaaga inta Banaan Ee Udhaxeyso Kadib xusuuso faraheyga Xiligaan Kubuuxinayay Farahada Inta Kabanaan, waqtiga haduu Noo Saamaxeen Inan Wada Jogno wax dhib Ah maleh Waayo Samirka Ayey Naftena Baraneysaa.

10. Qalbi Saqda Dhex Habeenkii Markaan Gacanta Meel Ebar Ah Kuhaabto Waan Xumaada Waan fikiraa Kutabaa Hadana Waxa niyada Iidejiyo Anoo Aaminsan Maalin Uun In Aad Booskaas Isoo Buuxin Doonto Aan Bogeyga Kugu Haaysan Doono.